DHEEFTA WAX AKHRISKA LAGA HELO
Dheefta wax akhriska laga helaa maaha mid la barbar dhigi karo dhibka uu leeyahay, balse waa in la xusaa haddiiba uu leeyahay wax dhib ah.
Wax akhris waxaa aan ula jeednaa qofka oo hamuun u qabo in uu helo macluumaad iuo warar kala duwan si uu u kabo aqoontiisa'maskaxadiisa iyo fikirkiisa.
Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday"war la helyaaba talo la hel".Wax akhriska waxa laga heli karaa meelo kala duwan'sida buugaagta'wargaysyada'bogoba intetnet''-ka ee aqoonta guud lagu keydiyo'dhegaysiga sheekooyinka ay soo tebiynayaan dadka waayo-araga ahi IWM.
Dadka reer hidiya ayaa hal-hays u tahay oraahdan" If you want to know someone's reading habits pay attention when He is talking' if he talk meaning".He is Big Reader'otherwise He is empty Vessels"oo micnaheedu tahay".Haddii aad doonaysid inaad ogaato'qofka wax akhrista badan.hadalkiisa uun dhegayso.Haddii uu xog iyo macluumaad ki hadleyo'waa akhriste weyne(Big Reader)'haddii kale waa weel.maran.
Dheefta wax akhriska laga helo laguma soo koobi karo qoral kooban' waxay u baahan tahay in buugag badan laga qoro'balse waxa aynu dul'istaagi doonaa qodobada ugu muhiimsan.Ilaahay "SWC" wax akhirska wuxuu ku sheegay"Aayadii ugu horaysay ee lagu soo dejiyey Nebi Maxamed (SWC) waan"IQRA"oo micnaheedu yahay Akhri. Kol haddii ilaahi adduunka abuuray ku bilaabay hadalkiiisii uu ku amrey Nebi Maxamed (SCW) wax aan halkaasi ka garan karnaa inay waajib tahay in wax la akhriyo.
Waa bilaahi towfiiq
Qore:Abdisalam Ali Warsame.
Comments
Post a Comment